Dowladda Kenya oo qoraneysa 100 kun oo shaqaale caafimaad ah

0
131

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dowlada Kenya ayaa shaacisay inay isbeddelo ku sameyn doonto adeegga caafimaad, lana shaqaaleyn doono ilaa 100 kun oo shaqaalaha cafimaadka bulshada ah.

Sidoo kale dowladda kenya ayaa sheegta inay qaadan doonto 4000 oo dhaqtar maalmaha soo socda.

Shaacintan qorshahan cusub ayaa ka dambeysay kadib markii magaalada Nairobi oo kulan ku dhaxmaray madaxweynaha dalka kenya William Ruto iyo hogaamiyaasha shaqaalaha caafimaadka Kenya kuwaasoo isku afgartay in isbedel  lagu sameeyo fidinta adeegga caafimaadka kenya.

Howlwadeennada caafimaad ee ka howlgala dalka kenya ayaa fursad u heli doona inay ka faa’ideystan shaqo abuurkan ay ku dhawaaqday dowladda kenya.