Qatar oo guryihiiyYaryaraa ee martidii koobka Adduunka ugu deeqday dalka Turkiga

0
199

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dalka Qatar ayaa qorshaynaya inuu ugu deeqo dalka Turkiga, illaa 10,000 oo ah guryaha  yaryar ee loogu talo galay dadkii ka qayb gelayey koobkii dunida ee ka dhacay dalkaas iyo weliba gadiidkii martida qaadayey.

Guryahan yaryar ayaa loogu talo galay inay hoy u noqdan, dadkii ay guryahoodu ku burbureen dhulgariirka.

Dufcaddii ugu horraysay oo gaaraysay illaa 350 guryahaas yaryar ah ayaa la raray Axaddii, sida uu sheegay Sanduuqa Horumarinta ee dalka Qatar.

Guryahan yaryar ee guurguura, ayaa hoy u ahaa, illaa 1.4 milyan oo qof oo ka qayb galay koobkii adduunka ee dalkaas ka dhacay.

Guud ahaan khasaaraha dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 41,000 oo qof.

Dalalka Khaliijka ayaa bilaabay inay taageero u fidiyaan dadka khasaaruhu ka soo gaadhay dhulgariirka Turkiga, Imaaraadka Carabta ayaa ku yaboohay $100 milyan oo dollar, halka dalka Sucuudiguna uu u kala diray Turkiga iyo Syria illaa 8 diyaaradood oo sida sahay kala duwan.