Rice, Mount, Messi, Felix, Busquets, & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0
159

Baladweyne (Radio Beerlula)-Inkasta oo uu xidhan yahay suuqa kala iibsigu hadana arintaas ayaan kooxaha ka hor istaagayn in ay qorshayso saxiixyada ay u dhaqaaqi doonto suuqa xagaaga.

Kooxaha kala duwan ayaa haatan lala xidhiidhinayaa xiddigaha ay u dhaqaaqi karto marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan halkan ku so bandhigi doonaa si maalin leh wararkii ugu dambeeyay ee kooxaha iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo ka hor suuqa Xagaaga.

Kooxda chelsea ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice (90min).

Kooxda Liverpool ayaa dar-dar galinaysa xiisaha ay u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea Mason Mount kaas oo diidan in uu heshiis cusub u saxiixo chelsea (Mail).

Kooxda David Beckham Inter Miami ayaa ugu cadcad saxiixa weeraryahanka Argentina Lionel Messi (Mirror).

Aabaha Messi ayaa sheegay in uuna Wiilkiisu ku laaban doonin Barcelona sabab la xidhiidha xaalada dhaqaale xumo ee ay kooxdu ku jirto (ESPN).

Kooxda Atletico Madrid ayaa u sheegtay chelsea in ay bixiso lacag dhan 80 milyan oo euro hadii ay doonayso in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga Joao Felix (Standard).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa in ay dib u soo ceshato xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Brahim Diaz (sportsmole).

Kooxda Al-Nassr ayaa wadahadalo kula jirta Xiddiga kooxda Barcelona ee Sergio Busquets si ay ula midoobayso Cristiano Ronaldo (Sport).

Kooxda Barcelona ayaa wadahadalo kula jirta Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Ilkay Gundogan (Mirror).

Kooxaha Real Madrid iyo PSG ayaa isku baacsanaya xiddiga kooxda Tottenham ee Richarlison (teamtalk).

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Jesper Lindstrom (Sport).

Kooxda Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Eintracht Frankfurt Randal Kolo Muani (BILD).

Xiddiga kooxda Liverpool ee Roberto Firmino ayaa iska diiday ku biirista kooxda Inter Milan waxana uu qalinka ku duugayaa heshiis uu kula joogayo Liverpool (FC Inter News).

Kooxda Inter ayaa diyaar u ah in ay xagaaga Liverpool ka iibiso xiddiga khadka dhexe ee Marcelo Brozovic (Gazzetta dello Sport).