Alexander-Arnold Oo Laga Ganaaxayo Wareegga 16ka Champions League

0
270

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa wadnaha farta ku haya ka hor ciyaarta adag ee wareegga 16ka Champions League ee ay Salaasada ku martigelin doonaan Real Madrid oo lugta hore lagu ciyaarayo garoonka Anfield.

Liverpool ayaa uu cadaadis badan saaran yahay, waxaanay taageereyaasheedu doonayaan inay doorkan ka aargoostaan Real Madrid oo sannadihii 2018 iyo 2022 ku garaacday finalkii Champions League oo koobka ka qaadday.

Anfield ayaa loosoo buuxin doonaa Salaasada si ay lugta hore Liverpool ugu sii shaqaysato garoonkeeda, laakiin caqabadda haysata ayaa waxay tahay difaacooda midig ee Trent Alexander-Arnold oo madax-xanuun ku ridaya tababare Jurgen Klopp.

Trent Alexander-Arnold oo ay sugayso shaqo adag oo ah in uu xakameeyo xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo dhaliyey goolkii finalka Champions League ee sannadkii hore ay Real Madrid koobka kaga qaadday ayaa waxay ciyaartani u imanaysaa isaga oo haysta kaadh digniin ah.

24 jirkan ayaa laga doonayaa in uu iska ilaaliyo in uu kaadh qaato ciyaarta Anfield  ee Salaasada, haddii kale waxa uu seegi doonaa lugta labaad ee Santiago Bernabeu oo uu ganaax ka noqon doono.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegaysa in ay adag tahay in Alexander-Arnold uu iska ilaaliyo inuu kaadh qaato sababtoo ah waxay si toos ah iskaga hor imanayaan Vinicius Junior oo ay adag tahay in la joojiyo, isla markaana orod iyo goysmo ku dila difaacyahannada.

Klopp ayaa waxa uu go’aan ka gaadhi doonaa inuu ku khamaaro Trent Alexander-Arnold oo uu ciyaarsiiyo kulankan, kulana dardaarmo inuu is-ilaaliyo iyo in uu difaaca midig kusoo bilaabo James Milner iyo Joe Gomez midkood, si difaaca dhexe ay uga wada ciyaaraan Virgil van Dijk iyo Joel Matip.