David De Gea Oo Baal Dahab Ah Iskaga Qoray Taariikhda Manchester United Iyo Rikoodhka Uu Barbarreeyey

0
175

Baladweyne ( Radio Beerlula )Goolhayaha kooxda kubadda cagta Manchester City ee David de Gea ayaa rikoodh cajiib ah ka dhigay ciyaartii ay kooxdiisu shalay 3-0 ku karbaashtay Leicester City, taas oo sabab ugu noqotay in lagu qoro rikoodhka kooxda isaga oo la mid noqday halyeygii United ee Peter Schmeichel.

David de Gea oo ahaa goolhayaha Manchester United muddo toban sannadood ah ayay shalay u ahayd kulankiisii 180aad ee aan wax gool ah laga dhalinin isaga oo 521 ciyaarood u dheelay Manchester United.

Tiradan ayaa ugu buuxsantay kulankii Leicester City ee Premier League, waxaana isla markiib la geliyey diiwaan uu kali ahaa Peter Schmeichel, waxaanay hadda yihiin labada goolhaye ee shabaqadiida nadiifta ka  dhigay kulamadii ugu badnaa.

Peter Schmeichel ayaa rikoodhkan ku gaadhay 386 ciyaarood oo kaliya, halka David de Gea oo aad uga badan kulamada uu ciyaaray uu ugu dambayntii soo qabtay rikoodhkan.

De Gea ayyaa kubbado halis ahaa ka badbaadiyey Harvey Barness iyo Kelechi Iheancho, iyadoo kooxdiisana uu u horseeday in aan lagaga daba imanin saddex gool oo ay qaybsadeen xiddigaha reer England ee Jadon Sancho oo hal gool saxeexay iyo Marcus Rashford oo laba gool is-raaciyey.

Xilli ciyaareedkan socda, David de Gea ayaan wax goolal ah lagaga dhalinin garoonka Old Trafford toban ciyaarood oo horyaalka Premier League ah, taas oo ka caawisay Red Devils in ay saddex dhibcood oo kaliya u jirsadaan Manchester City oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka.

Sannadkii 2011 ayay Manchester United soo iibsatay David de Gea oo bandhig heersare ah ka samaynayay Atletico Madrid, waxaanay kasoo bixisay €25 milyan oo Gini isaga oo beddelay Edwin van der Sar oo hawlgab ka noqday ciyaaraha.

De Gea ayaa waxa uu United kula guuleystay hal horyaal oo Premier League ah, Europa League, FA Cup, EFL Cup iyo Community Shield.