Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa galabta laga daahfuray Tartanka degmooyinka iyo deegaannada G.Banaadir iyadoo ay ciyaareen kooxaha Dharkenley iyo Balcad.
Daahfurka tartanka waxa ka qeybgalay maamulka gobolka Banaadir,xubno kamid ah wasaarada ciyaaraha somaliya,gudoomiya yaahsa Dharkenley iyo Balcad iyo bahda ciyaaraha.
Ciyaarta ayaa ku dhamaatay Dharkenley 3-0 Balcad waxaana labada kooxood ay soo bandhigeen qaabciyaareed fiican.