Saddex Meel Oo Ku Kala Badin Karaan Kooxaha Liverpool Iyo Real Madrid Kulanka Caawa.

0
151

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Liverpool ayaa marti galin doonta Real Madrid mid ka mid ah kulamada wareega 16ka ee UEFA Champions League kulan ka dhici doona Anfield.

Reds ayaa ku jirta xilli ciyaareed aad u liita iyaga oo kaliya badiyay 2 kulan 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee taramada oo dhan.

Dhanka kale, Real Madrid, ayaa xilli ciyaareed fiican qaadanaysa iyada oo badisay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Mar walba oo ay isku aadaan kooxaha Liverpool iyo Real Madrid waxa ay soo bandhigaan ciyaar lagu raaxaysto.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 meel oo ay ku kala badin karaan labada kooxood kulankooda caawa:

Karim Benzema vs Virgil Van Dijk:

Waxa la odhan karaa waa mid ka mid ah gool dhaliyayaasha ugu halisan adduunka, Benzema ayaa dhamaystire cajiiba ah goolka hortiisa waxana uu dhaliyay 16 gool 23 kulan oo uu u ciyaaray Real Madrid xilli ciyaareedkan.

Awoodiisa hawada ayaa ah mid cajiib ah, marka aad ka hadasho ciyaar difaac fiican, Van Dijk ayaa meesha soo galay.

Daafaca reer Holland aad ayuu u caqli badan yahay dhanka daafaca, geesta uu kubada ku guuleystona waa mid heer sare ah. Laakiin iyadoo lagu saleynayo qaab ciyaareedka daafaca ee Liverpool, Van Dijk ayaa u baahan in uu sii kordhiyo shaqadiisa hadii uu doonayo in uu joojiyo Benzema shabaqiisana ka ilaashado.

Mohamed Salah vs David Alaba:

Inkasta oo ay Liverpool qaab ciyaareed liita soo bandhigtay xilli ciyaareedkan, Salah ayaa hadana ku jira qaab ciyaareed fiican dhinaca weerarka iyada o uu dhaliyay 18 gool isla markaas caawiyay 8 kale 33 kulan oo uu u ciyaaray liverpool.

Waxa kale oo la odhan karaa waa halista ugu wayn ee weerarka Liverpool ee kulankaan.

Awoodda uu Salah u leeyahay dhamaystirka fursadaha iyo dhalinta goolasha ayaa ah mida ka dhigaysa xiddiga ugu halisan waxana uu ka fa’iidaysan karaa booska yar ee uu ka helo daafaca Real.

Alaba xaqiiqdii waa inuu si dhow ula socdaa haddii uu doonayo in uu ku guulaysto dagaalkan.

Si kastaba ha ahaatee, Alaba waa xiddig khibrad sare leh waxana uu leeyahaya wood difaacasho oo cajiib ah xilli ciyaareedkan waxana ay u badantahay in laga ciyaarsiiyo booska dambeedka bidix.

Vinicius Junior vs Trent Alexander-Arnold:

Marka aad ka Hadasho xiddigaha ugu fiican ee garbaha weerark waa in aad markiiba xasuusataa xiddiga Jinicius Junior, xiddiga reer Brazil ayaa ah mid aad u dheereeya waxana uu sidoo kale leeyahay fasamo cajib ah.

Xiddiga ayaa dhaliyay 16 gool 34 kulan oo uu u ciyaaray Los Blancos xilli ciyaareedkan.

Ilaalinta xiddiga waa mid adag waana xiddiga ugu halista badan Real Madrid waxana uu ka hor iman doonaa xiddiga Liverpool Trent Alexander-Arnold kaas oo u baahan in uu qabto shaqo daafac oo fiican.