Waqtiga La Samaynayo Isku-aadka Wareegga 16ka Europa League Iyo Haddii Ay Isku Dhici Karayaan Man United & Arsenal

0
156

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester United ayaa lugta labaad ee wareegga 32ka Europa League ku martigelin doontaa Barcelona, waxaana midkooda soo badiyaa uu iska xaadirin doonaa 16ka oo ay ku sugayaan siddeed kooxood oo si toos ah waqti hore halkaa u tegay.

Red Devils ayaa kaalinta labaad kaga soo baxday Group E, waxaanay taasi keentay in Real Sociedad ay si toos ah ugu gudubto wareegga 16ka, iyadoo United gashay isreeb-reebka kooxihii kasoo saaqiday tartanka Champions League oo ay isku dhaceen Barcelona.

Lugtii hore ee Camp Nou ee Barcelona ayay Manchester United soo heshay barbarro 2-2 ah, waxaanay ku kala bixi doonaan ciyaarta Oldf Trafford ee Khamiista.

Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha sii fadhida wareegga 16ka ee sugaya naadiyadii ay ku dhici lahaayeen maadaama ay kaalinta koowaad kaga soo gudubtay Group A.

Sida Champions League oo kale, sharciga UEFA ayaa dhigaya in wareegga 16ka Europa League aanay isku dhici karin laba kooxood oo isku waddan ah, inkasta oo marxalado kala duwan oo aan jirin Champions League la ciyaaro tartanka Europa League.

Arrintan ayaa ka dhicin in ay kala badbaadi doonaan kooxaha Ingiriiska ee Manchester United [waa haddii ay kasoo gudubto Barcelona] iyo Arsenal, waqtiga ugu horreeya ee ay isku dhici karayaanna waa wareegga siddeedda ee Europa League.

Labadan kooxood ayay iskugu dambaysay inay ku kulmaan tartamada Yurub xilli ciyaareedkii 2008/09 oo ay semi-finalkii Champions League iskugu yimaaddeen, waxaana labada garoonba ku badisay Manchester United.

Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga 16ka Europa League?

Isku-aadka Europa League ee wareegga 16ka waxa lagu samayn doonaa xaflad lagu qaban doono magaalada Nyon ee waddanka Switzerland duhurnimada Jimcaha soo aaddan ee February 24.

Abbaaro 2pm waqtiga Geeska Afrika ayay bilaabmi doontaa xafladda oo ka dhacaysa hoolka weyn ee ay UEFA ku leedahay magaalada Nyon.

Kooxaha waqtiga hore usii gudbay wareegga 16ka ee isku-aadka sugaya?

  • Arsenal
  • Betis
  • Fenerbahce
  • Ferencvaros
  • Feyenoord
  • Freiburg
  • Real Sociedad
  • Union Saint-Gilloise