Wasaaradda beeraha Somaliland oo ugu baaqday beeraleyda iyo ganacsatada in la kordhiyo wax soo saarka beeraha.

0
196

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland Cabdiqaadir Imaan Warsame ayaa ku booriyay ganacsatada iyo cid kasta oo wax heysata inay ka qeyb qaadato wax soo saarka beeraha si bulshada Somaliland ay u gaaran isku filnaasho.

Cabdiqaadir Imaan Warsame ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono madal la iskugu keenayo ganacsatada iyo beeraleyda si looga wada hadlo sidii loo kordhin lahaa wax soo saarka beeraha islamarkana ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta wax soo saarka beeraha.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.