Haweenka macalimiinta ee Baladweyne oo caqabad kala kulma iswaafajinta howsha guriga iyo shaqada macalinimada.

0
173

Baladweyne (Radio Beerlula)-Aqoontu waa sheyga qaabeeya ilbaxnimada aadanaha, macallinkuna guud ahaan waa abuurka aqoonta, waraabkeeda iyo korriimaheeda, gabdhaha macallimiint ahna kuma sii jiraan oo kaalin muhiim ah ayay bulshada ka yihiin.

Guud ahaan waxbarashada dalka waxaa aad u yar haweenka wax dhiga ee macallimiinta ah, balse sannooyinkii lasoo dhaafay waxaa kordhay haween badan oo ku dhiiraday inay macalimiin ka noqdaan iskuullada ku yaalla magaalada Baladweyne.

Gabdhahan ayaa inta badan dhiga dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee magaalada Baladweyne gaar ahaan kuwa ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Hirshabeelle.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.