Baladweyne (Radio Beerlula)-Madarsada muscab binu cumayr ee Magaalada Dhoobley ayaa xaflad qalin jabin ah u qabatay 10 arday oo dhameysay barashada quraanka kariimka iyo xifdintiisa waxana ka soo qeyb galay Waalidiin, Ardayda Dhigata Madarasada iyo Marti Sharaf kale.
Maamulaha madarsadaasi Muxeydiin Isaaq Cabdiraxmaan ayaa faah faahin kabixiyay marxaladihii kala duwanaa ay soo martay madarasada iyo juhdi ay galinyeen ardaadii qalin jabisay.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.