In ka badan 200 oo macalin oo deeq waxbarasho ka helay jaamacadda Tima cadde ee magaalada Hargeysa.

0
158

Baladweyne (Radio Beerlula)-Jaamacada Tima-cade oo ka mid ah jaamacaddaha ka howlgala deegannada Somaliland ayaa deeq waxbarasho oo bilaasha siisay 200 oo macalimiinta oo wax ka dhiga dugsiyada Magaalada Hargeysa.

Munaasabada lagu shaacinayey deeqda waxbarasho ayaa waxaa ka qeyb galay , maamulka jaamacada Tima-cade duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo mas’uliyiin ka tirsan Somaliland.

Warbixintan waxaaa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi