Baladweyne (Radio Beerlula)-Tababaraha Bayern Munich ayaa war wanaagsan ka bixiyay ciyaartoygiisa reer Senegal, Sadio Mane, ka hor inta uusan wajihin Union Berlin.
Mane ayaa ka maqnaa shaxda Bayern Munich tan iyo bishii November ee la soo dhaafay, markaasoo uu soo gaaray dhaawac u diiday inuu ciyaaro oo uu ka maqnaado Koobkii Adduunka ee Qatar 2022 .
Mane ayaa maray qaliin wuxuuna bilaabay habka soo kabashada, isagoo dhawaan ka qayb qaatay tababarka kooxda Bayern Munich.
Nagelsmann ayaa ka hadlay shir jaraa’id oo uu qabtay ka hor kulankii Bayern Munich iyo Union Berlin, wuxuuna sharaxay xaalada ciyaartoydiisa oo dhaawac ah.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay “Sadio wuxuu ku jiri doonaa kooxda, laakiin ma hubo in inuu kusoo bilaabanayo kulankaas”.