Bulshada deegaanka Bali-howd ee Galgaduud oo codsaday in loo dayactiro iskuulka deegaankaasi

0
109

Baladweyne (Radio Beerlula)- Deegaanka Balli-howd oo hoosyimaada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa xiligan waxaa ka jira baahi dhanka adeegyada waxbarashada ah sida dayactirka iskuulka deegaankaasi oo horay ay si isku tashi ah u dhisteen bulshada iyo sidii loo heli lahaa macalimiin ardayda waxbara.

Axmed Mire Salad iyo Cabdi Sahal oo ka mid odayaasha deeganka Balli-howd ayaa wasaarada waxbarashada XFS iyo midda Galmudug ugu baaqay inay ka taageeraan Hormarinta waxbarashada deegaanka.

Warbixintanw waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim