Baladweyne (Radio Beerlula)-Ku simaha agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacalinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay goobaha iyo habka loo qaadayo imtixaanka laga qaadayo macalimiinta cusub ee ay qaadaneyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in imtixaanka uu dhici doono maalinta beri ah islamarkana si rasmi ah uu uga wada bilaaban doono magaalada Muqdisho iyo min laba magaalo oo ka mid ah maamul goboleed kasta, kaasoo socon doonaa hal maalin.
Warbixintanw waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.