Madarasad lagu baran doono qur’aanka kariimka oo laga dhagax dhigay deegaanka Buula bartire ee jubadda hoose.

0
95

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiir ku xigeenka wasaarada cadaalada owqaafta iyo arimaha diinta jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xusseen ayaa deegaanka Buulo Bartire ee waqooyiga magaalada Kismaayo ka dhagax dhigay madaraso lagu baran doono qur’aanka kariimka taasoo baahi weyn u qabeen dadka deegaanka.

Dhagax dhigan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamanka Jubbaland, maamulka degmada Kismaayo, maamulka deegaanka Buulo Bartire iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi