Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta daah furay Imtixaanka shaqaaleysiinta Saddex kun oo Macallin oo ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka oo ay kamid tahay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay in wasaaraddu shaqaaleyso tiro intaan le’eg oo macallimiin ah.
Warbixintan waxa noo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.