Maalinta Caalamiga ah ee Takoorka oo maanta dunida laga xusayo.

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)- Sanadka kasto 1-da bisha Marso oo maanta ku beegan waxaa dunida looga dabal dega maalinta caalamiga ee Takoorka Adduunka si bulshada loogu baraarujiyo baahida loo qabo in meesha laga saaro takoorka noocyadiisa kala duwan.

Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa maalinta meelmariyay sannadkii 2014-kii iyadoo xiligaasi wixii ka dambeeyay sannad kasta 1-da bisha Marso la qabto munaasabado loogu dabal degayo maalintan.

Adduunka oo dhan ku dhawaad 40 milyan oo qof ayaa la nool waxa loogu yeero fayraska difaaca jirka (HIV) ee sababa AIDS iyadoo dadka qaba cudurkan inta badan ay bulshada kala kulman faquuq.

Maalintan ayaa loo aas aasay si loo horumariyo sinnaanta loona muujiyo baahida loo qabo in shakhsiyaad iyo bulshooyinba ay dhawraan mabda’a takoorka, kaas oo ku salaysan in qof kasta loola dhaqmo si siman oo ixtiraam leh, iyada oo aan loo eegin jinsiyad, lab iyo dhedig, da’da,ama nooc kasta oo kale oo takoorid ah.

Maalintan, ururrada, shakhsiyaadka, iyo dawladaha adduunka ayaa si wada jir ah u xoojiya wacyiga iyo sidii loo yareyn lahaa takoorka nooc kasta ah.

Sheekh Cabdirisaaq Xasan Cabdule oo kamid ah culimada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay diinta islaamka waxa ay ka qabro takorka

Qaar ka mid ah bulshada Baladweyne ayaa radio Beerlula uga waramay dhibaatada ay leedahay takoorka iyo sida ay uga hortagaan

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.