Hooyooyin ilmo galeenkooda kireysanaya si qoysaskooda ay u geeyaan Mareykanka

0
95

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dumar badan oo ku nool dalka Kolombiya ma haystaan wax kale oo aan ahayn inay calooshooda kireeyaan si ay naftooda ugu maareeyaan.

“Waxaan ku noolahay Bogotá, waxaan kirayaa ilmo galeenkayga,” ayaa lagu yiri xayeysiis la soo dhigay bog Facebook ah.

Waa wax caadi ah in la arko xayeysiis noocaas ah.

Mary, oo ah 22 jir u dhalatay dalka Venezuela, kuna nool Colombia, ayaa ka mid ah dadka ilmo galeenkooda kireeya.

Hadafkeeda ayaa in lacagta ay ka hesho kireynta ilmo galeenkeeda ay qoyskeeda oo dhan ugu dirto Mareykanka.