Golaha wasiirada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo guddiga KMG ee dastuurka.

0
198

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiya kulanka golaha wasiirada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho kaasoo loogu anixiyay magacaabista Guddiga Madaxa Bannaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka KMG oo ka kooban 5 xubnood, kaas oo ay soo jeedisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Sidoo kale waxaa Goluhu maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cuntada iyo laba heshiis oo dowladda Soomaaliya ay la gaartay dowladda Qatar, kuwaasi oo ku saabsan Iskaashi dhinacyada warbaahinta, hiddaha iyo aqoonta.

Golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo looga hortagayo dhibaatooyinka ay la kulmaan Muwaadiniinta ku shaqeysta Bajaajta.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.