Guddiga xarunta Agoonta Abubakar Al Sadiiq ee Kismaayo oo codsaday in wax laga qabto baahiyaha ka jirta xarunta.

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka xarunta Abuu Bakar Al Sadiiq ee magaalada Kismaayo oo ah xarun wax lagu baro caruurta agoonta iyo kuwa danyarta islamarkana lagu quudiyo ayaa codsaday in laga caawiyo sidii ay ku heli lahayeen Solarka ku shaqeeya cadceeda , iyo in loo dhiso xarun u gaar ah agoonta.

Xaruntan ayaa waxaa wax ka barta in ka badan 300 caruur ah oo iskugu jira agoon iyo danyar iyadoo ay ka kooban tahay qeybta waxbarashada, qeybta jiifka, iyo qeybta quudinta.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxame Cabdi Saneey.