Baladweyne ( Radio Beerlula )-Daafaca dhexe ee kooxda Manchester United Raphael Varane ayaa lagu soo waramayaa in uu shaki ku jiro kulanka ay kooxdiisu maanta la ciyaari doonto Liverpool sabab la xidhiidha dhaawac soo gaadhay.
Varane ayaa lamaane daafac oo cajiib ah la sameeyay daafaca Lisandro Martinez kuwaas oo joogto ugu ciyaara.
Varane ayaa ku bilowday 15 kulan oo premier League ah waxana uu ciyaaray 90 daqiiqo kulankii Final-ka Carabao cup-ka.
Xiddiga 29 jirka ah ayaa kaydka ku bilowday kulankii FA Cup-ka ee ay la ciyaareen West Ham waxana uu ka soo muuqday ciyaarta daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Xiddiga Varane ayaa ahaa kayd aan la isticmaalin labadii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League inkasta oo uu ciyaaray kulankii Barcelona.
Varane ayaa u muuqday mid ku bilaaban doona shaxda Man United kulanka Liverpool ee caawa laakiin sida laga soo xigtay Daily Mail, waxa uu xanuun ka dareemay lugta waxana la qiimayn doonaa xaaladiisa ka hor kulanka.