Dowladda Soomaaliya oo Turkiga ku wareejisay 5-Malyan oo dollar oo loogu talagalay dadkii uu saameeyey dhulgariirka.

0
117

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Munaasabadan oo ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka ee magaalada Muqdisho oo ay soo agaasimeen guddiga gurmadka walaalaha Turkiga, ayaa dowlada Soomaaliya ku wareejisay lacag dhan $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadanayaan gurmadka walalaha Turkiga ee uu saameyay dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaasi.

Waxa ka qeyb galay munaasabada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre , Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), mas’uuliyiinta gobolka Banaadir,  xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya, safiirka Turkiga ee Soomaliya mudane Ibrahim iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi