Kitaabo qur’aanka kariimka ah iyo agab kale oo lagu wareejiyay dugsi ku yaalla duleedka Kismaayo.

0
148

Baladweyne (Radio Beerlula)-In kabadan 100 arday oo dhigata dugsiga Macalin Cali Cismaan ee deegaanka Xaaji Weyne oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ayaa la gaarsiiyay deeq iskugu jirta Kitaabo Qur’aan iyo agab kale

Waxaa deeqdan bixisay Xildhibaanad Nasro Sheekh Mahdi oo katirsan xildhibaanada Soomaaliya iyada oo looso wakiishay deeqdan in ardayda lagaarsiiyo Ismaaciil Haashim Mooge oo kamid ah xildhibaanada Jubbaland.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.