Dalalka dunida oo heshiis cusub ka gaaray shuruucda badaha.

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waddamada dunida, ayaa gaaray heshiis taariikhi ah, oo lagu badbaadinayo badaha adduunka, kadib 10 sano oo wada xaajood ah.

Heshiiska badaha, ayaa wuxuu dhigayaa 30% badaha in la ilaaliyo, marka la gaaro sanadka 2030-ka, ujeedaduna tahay inay soo kabtaan noolaha kudhex jira, iyo deegaanka baddaba.
Heshiiska ayaa la gaaray fiidnimadii Sabtida, kadib wada hadalo qaatay 38 saacadood, waxaana lagu gaaray xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Wada hadallada ayaa socday muddo sanado ah, oo ku saabsanaa is afgaran waaga la xiriira maalgelinta iyo xuquuqda kalluumeysiga.

Heshiiskii caalamiga ahaa ee ugu dambeeyay ee ilaalinta badaha, ayaa waxaa la saxiixay 40 sano ka hor, oo ku began sanadkii 1982-kii – kaasoo ku asteysnaa sharciga Qaramada Midoobay ee badaha.

Heshiiskaasi ayaa waxa uu dhigayay aag lagu magacaabo qeybta badda sare, iyo biyaha caalamiga ah, oo dhammaan dalalka ay xaq u leeyihiin in ay ka kalluumaystaan, sidoo kale maraakiibta iyo cilmi-baarista, ayaa sidoo kale loo fasaxay.

Noolaha badda ku jira, ee joogga meel ka baxsan qeybaha la ilaaliyo, ayaa waxay halis ugu jiraan isbeddelka cimilada, kalluumeysiga xad-dhaafka ah iyo gaadiidka maraakiibta.