Muhaajiriin gaari looga dhex tagay oo lagu qabtay xadka Mareykanka

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Muhaajiriin gaari looga dhex tagay oo lagu qabtay xadka Mareykanka Saraakiisha Mexico ayaa qabtay in ka badan 340 qof oo ku jiray gaari xamuul oo looga tagay meel ku taalla gobolka Veracruz, waxaana ka mid ahaa 103 carruur aan cidna la socon.

Muhaajiriintan ayaa ka soo jeeda dalalka Guatemala, Honduras, El Salvador iyo Ecuador. Waa mid ka mid ah tiradii ugu badneyd ee dhowaan la qabto ayna ku jiraan carruur sii maraya Mexico.

Dhammaantood waxay u muuqdeen inaysna dhib qabin, oo si nabad ah ay ku yimaadeen.

Lama oga halka uu jaan dhigay darawalku. Iyagoo ka cararaya saboolnimada iyo rabshadaha ka jira Bartamaha Ameerika, muhaajiriin badan oo aan la diwaan-gelin ayaa waxay ku qasbanaadaan inay lacag siiyaan mukhallasiinta si ay u gaarsiiyaan xadka Mareykanka.