Tababar ku saabsan tebinta wararka garsoorka dalka oo saxafiyiin looga furay Muqdisho.

0
83

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Cabdulaahi Xayir Ducaalle ayaa magaalada Muqdisho tababar uga furay in ka badan 50 wariye oo ka howlgala warbaahinta kala duwan ee caasimadda dalka.

Tababarkan oo socon doona mudo saddex cisho ah ayaa wariyaasha lagu bari doonaa sida loo tabiyo wararka garsoorka dalka, waxana ka qeyb galay furitaanka tababarka gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir garyaqaan Saalax Cali Maxamuud.

Warbixintan waxa noo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.