Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday shirkad diyaaradeed oo cusub

0
109

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii ku dhowaaqday billowga shirkad diyaaradeed oo cusub, taasi oo qeyb ka ah qorshe magaalada Riyadh looga dhigayo xarun socdaal oo caalami ah, oo la loolanta magaalooyinka Doha iyo Dubai.

Riyadh Air “ayaa ujeedkeedu yahay inay duulimaadyo ku tagto in ka badan 100 goobood oo caalamka ah kahor 2030,” waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka rasmiga ah ee SPA.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa eryaneysa hadafyo dhanka socdaalka oo damaaci ah, kuwaasi oo qeyb ka ah aragtida dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ee “Vision 2030”, oo ay ku jirto in tirada rakaabka ee sanadlaha la saddex jibaaro oo 10 sano gudahood lagu gaarsiiyo 330 milyan.

Waxay sidoo kale dooneysa inay sanadkii gudbiso shan milyan oo tan oo xamuul ah.

Bishii November, saraakiisha Sacuudiga ayaa ku dhowaaqay qorshaha garoon diyaaradeed cusub oo laga sameynayo Riyadh, kaasi oo ku fadhin doona dhul 57 km oo isku wareeg ah, islamarkaana qaadi kara 120 milyan oo musaafiriin ah sanadkii marka la gaaro 2030, iyo 185 milyan, sanadka 2050.

Shirkadda diyaaradeed ee cusub waa qeybtii ugu dambeysay “xirmooyinka weyn ee mashruucyadeena, taasi oo xoojin doonta kaalinta dalkeena ee xarun socdaal oo caalami ah,” waxaa sidaas twitter kusoo qoray wasiirka gaadiidka Sacuudiga Saleh Al-Jasser.

Garoonka diyaaradaha ugu mashquulka badan Sacuudiga iminka waa midka ku yaalla magaalada Jeddah ee ku teedsan Badda Cas, halkaasi oo xarun u ah shirkadda Saudia.