Mukulaal duureed tiro badan oo baaritaan lagu sameeyey ayaa laga helay maandooriyaha ‘Cocaine’ loo yaqaanno.

0
145

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mukulaal duureedka oo ku nool beerta xayawaanka Cincinnati Zoo iyo beerta Botanical oo ku taala gobolka Ohio ee dalka Mareykanka.

Natiijada baaritaanka Mukulaal duureedka lagu sameeyey oo ay khubaradi baartay soo saareen waxaa ka dhalatay maadeys baraha bulshada la iisu marinayey iyaga mukulaasha u bixiyey ‘Mukulaahii Cocaine’.

Iyaga oo weliba sheegay arrintan iney ka dhalatay filim dhawaan la sii daayey oo ku saabsan Mukulaal madoow uu miisaankeedu 80 kiilo yahay oo dhacdhacaya kadib marki uu cabbay darere ay ku jirto qayb ka mid ah maandooriyaha.

Nooca mukulaasha haatan la sheegay in laga helay maandooriyaha ‘Cocaine’ asal ahan waxay ka soo jeedda qaaradda Afrika gaar ahanna waddamada ka hooseeya saxaraha Africa.