Dowladda Soomaaliya oo deeq gargaar ah kala wareegtay dowladda Imaaraadka Carabta

0
164

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi kala wareegay deeq gargaar ah oo ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.

Deeqdan gargaarka oo dhan kun tan ayaa waxaa dekedda Magaalada Muqdisho ka soo dajiyay markab laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta iyadoo deeqdan loogu talo galay dadka abaaruhu sameeyeen ee ku nool gobollada dalka.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey