Shir ku saabsan hanaanka diwaangelinta ganacsiga dalka oo lagu soo gunaanaday dhuusamareeb.

0
187

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa lagu soo gaba gabeeyay shir muddo afar maalmood ah u socda wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada sida Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa diirada lagu saaray dhowr arrimood oo kala ah Xoojinta, dardargelinta iyo wadashaqeynta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, Daadejinta iyo taabbo-gelinta Hannaanka Diiwaan-Gelinta Ganacsiga Soomaaliya (SBRS), Dib-u -eegista iyo dhammeystirka sharciyada Shirkadaha iyo Shatiyada iyo Mideynta dukumintiyada Ganacsiga ee wasaaraddaha ganacsiga heer federaal iyo dowlad goboleed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saney.