Xildhibannada Aqalka sare oo meelmariyay saddex hindise sharciyeed

0
208

Baladweyne (Radio Beerlula)-Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu wehliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga labaad kulankiis 25-aad iyo 26-aad iyadoo kulan lagu ansixiyay saddex sharci oo muhiim ah.

Saddexda sharci ee ay meelmariyeen xildhibannada aqalka sare oo horey u soo ansixiyeen xildhibannada golaha shacabka ayaa kala ah Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta, Hindise Sharciyeedka Socdaalka iyo Hindise Sharciyeedka Horumarinta Iyo Maareynta Kaluumaysiga Soomaaliyeed.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey.