Tababar ku saabsan isbadalka Cimilada oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

0
130

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda Deegaanka isbadalka cimilada iyo horumarinta reer miyiga maamul goboleedka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka daah furtay tababar ku saabsan is badalka Cimilada.

Tababarkaan oo soco doono mudo saddex maalin ah ayaa waxaa ka faa-ideysanaya xubno ka kala socda wasaaradaha caafimaadka’ Deegaanka’tamarta iyo biyaha iyo xubno kamid ah golaha deegaanka degmada Dhuusamareeb.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.