Dhul gariir ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Ecuador

0
150

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 15 qof ,ayaa ku dhintay in ka badan 400 oo kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii dhulgariir cabirkiisu yahay 6.7 uu ku dhuftay xeebaha koonfureed ee dalka Ecuador.

Dhismayaal ku yaal magaalooyin dhowr ah, ayaa burburay markii dhulgariirku dhacay abaaro duhurnimadii waqtiga maxalliga ah ee dalkaasi, oo ku beegan (17:00 GMT).
Gobolka koonfureed ee El Oro, ayaa ah kan ugu daran, waxaana ku dhintay 12 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Madaxweyne Guillermo Lasso, ayaa ka codsaday dadka dalka Ecuadore inay isdejiyaan, iyadoo saraakiishu ay qiimeynayaan khasaaraha. Waxa uu sidoo kale booqday isbitaal ku yaalla magaalada Macala, si uu ula kulmo qaar kamid ah dadka dhaawacmay.

Dowladda ayaa sheegtay in in ka badan 250 qof oo dhaawac ah lagu daweeyay magaalada Pasaje, ee gobolka El Oro, ku dhawaad dhammaan dadkaasina ugu dambeyntii laga saaray isbitaalka.