Putin oo booqasho lama filaan ah ku tagay Ukraine

0
147

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Mariupol, sida ay wariyeen warbaahinta dalkaasi waana markii u horreysay ee uu booqdo magaaladan.

Safarkan ayaa yimid kadib markii maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ay soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, oo loo haysto in Ruushku uu kumannaan carruur ah oo u dhashay Ukraine uu dalkaasi ka masaafuriyay intii uu duullaanku socday.

Sida ay sheegtay wakaalada wararka ee TASS, Putin ayaa Sabtidii diyaarad helicopter ah ugu duulay Mariupol, wuxuuna kusoo wareegay magaalada, mararka qaarna wuxuu watay baabuur.

Goobo dhowr ah ayuu booqday oo uu la hadlay dadka deegaanka, waxaana la siiyay warbixin ku saabsan dib u dhiska magaalada.