Dhalinyaro macalimiin ah oo Baladweyne ka hirgeliyay iskuul si lacag ah ku dhigtan ardey barakacayaal ah

0
122

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ardeyda iskuulkan dhigtaa qoysaskoodu waxay u badan yihiin barakacayaal ka soo hayaamay deegannada kala duwan ee gobolka Hiiraan ee ay abaaruhu ku dhufteen, sidoo kale waxaa ku jira caruur kale oo agoon ah oo fursad u helay iney ka faa’iideystaan waxbarashada lacag la’aan ah ee iskuulka Eagle oo ku yaalla xaafadda Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne, iskuulkan ayaa waxaa hirgeliyay dhalinyaro iskood isku xilqaantay oo macallimiin ah.

Iskuulkan oo ah iskuul hoose iyo dhexe ayaa waxaa hadda dhigata 120 ardey oo iskugu jira barakacayaal iyo agoon.

 

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim