In ka badan 100 qoys oo ku nool Hargeysa oo loo qeybiyay deeq raashin ah.

0
78

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa deeq raashin ah loogu qeybiyay 100 qoys oo qeyb ka ah 500 oo qoys oo loogu talo galay in loo qeybiyo deeq raashin ah oo ka timid qurbo joogta Somaliland.

Deeqdan raashinka ayaa ka kooban bur, bariis, sokor iyo saliid, waxana goobta lagu qeybinayay goob joog ka ahaa hogaanka ururka Samowade oo loo soo wakiishay bixinta deeqdan, culumaaudiin, haween iyo waxgarad.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.