Olole nadaafadeed oo laga sameeyay kaaman ku yaalla magaalada Galkacyo.

0
130

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maamulka Dowladda Hoose Ee Dagmada Gaalkacyo ee Gobalka muduga oo kaashanaya Hay’adda (NoFYL) ayaa kaamamka ay kunoolyahiin dadka barkacyaasha ah ka sameeyey Olole Nadaafadeed si sare loogu qaado bilicda kaamamka magaalada Gaalkacyo.

Ololahaan ayaa socon doona muddo afar bilood ah sida ay sheegeen xubno ka tirsan Maamulka Dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo waxaana ka qayb-qaadanaya ololahaan dadka ku nool Kaamamka Barakacayaasha ee magaalada Gaalkacyo.

Warbixintan waxaa inoo haya Sacdiya Maxamed Maxamuud