Shir ku saabsan ciribtirka cudurka Dabeysha oo lagu soo gaba-gabeyay Muqdisho.

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka caafimadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba gabeeyay shirka Qorshaha Isku-dubaridka dadaalada ciribtirka Cudurka dabeysha.

Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay bahda caafimaadka, hay’addaha ka shaqeeya dhanka caafimaadka sida WHO, iyo khuburo ku xeeldheer arrimaha caafimaadka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.