Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa sii xoogeysanaya hadal heynta ku saabsan In wakhtigii tababaraha kooxda ee Carlo Ancelotti soo dhamaaday.
Magaca Ancelotti ayaa kasoo muuqday liiska tababarayaasha badali kara macalinka xulka Brazil Tite kadib markii la ceyriyay kadib guul darradii kasoo gaartay wareega sideed dhamaadka koobka aduunka.
Real Madrid Oo Qorshaynaysa Nolosha Ka Dambaysa Ancelotti:
Sida laga soo xigtay wargayska Futball Spain, madaxwaynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa mar horeba diyaariyay Liiska tababarayaasha u sharaxan in ay badalaan Ancelotti.
Wararka ayaa sheegaya in Perez u arko Halyeeyga Real Madrid ee Xavi Alonso dookha 1-aad ee Ancelotti hadii uu ka tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Alonso ayaa haatan tababare u ah kooxda ka ciyaarta oryaalka Bundesliga Bayer Leverkusen Waxana uu ilaa haatan ka hayaa kooxdaas shaqo fiican waxana laga yaabaa in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Real Madrid mustaqbalka dhaw.
Alonso ayaa Leverkusen hogaamiyay 24 kulan ilaa hadda,waxa uu badiyay 13 ka mid ah 4 kulan oo uu bar-baro galay,waxana laga badiyay 7 kulan.