Shirkadda Meta oo laga hor istaagay inay ceyriso shaqaalaha Facebook ee ka howlgalayay Kenya

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa shirkadda Meta, oo ah shirkadda iska leh Facebook, ka hor istaagtay inay shaqada ka cayriso shaqaale iyaga u shaqeeya, inta laga gaarayo go’aan ka dacwad ka dhan ah xil ka qaadistooda qorsheysan.

Maxkamadda shaqaalaha, ayaa sidoo kale ka mamnuucday Meta iyo shirkaddeeda dibadda u qaabilsan, Sama, inay shaqaaleysiiyaan shaqaale kale, oo beddela kuwa la eryay.

Dacwada ayaa waxaa gudbiyay 43 xubnood oo shaqaale u ahaa oo Facebook kuwaasoo ku sugan Kenya islamarkana ay Sama u shaqaaleysiisay Meta.

Waxay ku andacoonayaan shaqaalahani in shaqo ka joojinta lagu sameeyay ay ahayd sharci darro.

Ugu yaraan 260 shaqaale oo ah kuwo aqoontoodu sareyso, ayaa lagu wadaa inay waayaan shaqadooda, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Meta iyo Sama, ayaa waxa la siiyay toddoba maalmood, si ay uga soo jawaabaan dacwadda maxkamadda la geeyey.