Masaajid ay ku baxday lacag dhan 26 malyan oo laga hirgeliyay Masar oo xariga laga jaray.

0
67

Baladweyne(Radio Beerlula)- Madaxweynaha dalka Masar ayaa xadhiga ka jaray Masjidkii ugu weynaa dalkaas kaas oo qaadi kara ku dhowaad 200 oo kun oo qof.

Masjidkan oo ay ku baxday lacag dhan 26 milyan oo Dollar ayaa ah mid ka kooban qaybo aad u badan.

Waana goob isugu jirta Mac’had, Madxaf, suuq, goobo nasasho iyo weliba hoolal lagu qaban karo kulamada kala duwan.

Isaga oo leh Minbarka ugu dheer Caalamka ee gacanta lagu sameeyey kaas oo dheerarkiisu uu yahay 16 Mitir.

Sidoo kale Masjidkan ayaa leh Parking la dhigi karo in ka badan 4 kun oo baabuur.

Dawladda Masar ayaa sheegtay in uu Masjidkani galay buugga Guinness ee lagu kaydiyo waxyaabaha yaabka leh.