Baladweyne ( Radio Beerlula )-Real Madrid waxay mar horeba la saxeexatay xiddigeedii mustaqbalka ee gool-dhalinta oo ay kasoo bixiyeen €60 milyan oo Euro, waana 16 jir ay saxeexiisa ku garaaceen kooxo badan oo hadda la gaadhsiiyey heer la barbar-dhigo halyeygii Brazil ee Ronaldo Nazario.
Mucjisadan da’da yar ayaa waxa toddobaadyadii ugu dambeeyey ku dhacday abaar goolal la’aan ah oo keentay in loo diro kaydka Palmeiras, hase yeeshee tababarihiisii hore ee Paulo Victor ayaa waxa uu tilmaamay inuu leeyahay maskax guulood oo ka caawin karta inuu noqdo xiddig weyn oo raaca raadka Ronaldo.
Xiddiga aynu ka hadlayno waa Endrick Felipe oo Real Madrid ay xagaagii tegay qasnaddeeda u jabisay, isla markaana ay sugi doonto inuu yimaaddo Santiago Bernabeu illaa sannadka 2024 oo ah waqtiga ay da’diisu noqonayso 18 jir ee uu sharcigu u fasaxayo inuu dalkiisa dibedda uga bixi karayo.
Endrick Felipe oo aan wax gool ah dhalinin 12kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa uu tababaraha Palmeirs ee Abel Ferreira kaydka dhigay, hase yeeshee Paulo Victor oo ah tababraha da’yarta Palmeiras ayaa kalsooni badan ku qaba laacibkn.
Victor oo waraysi siinayay wargeyska Diario AS ee kasoo baxa Spain, ayaa waxa uu sheegay waxyaabaha ka caawin doona Endrick in uu noqdo ciyaartoy weyn, waxaanu yidhi: “Ma aha mid la xidhiidha shaqsiyaddiisa ciyaartoynimo, w amid maskaxeed oo ah in anu marnaba raaxaysanin, waxa uu leeyahay maskax uu mar walba ku dagaallamayo, dabcan mar walba waxa uu doonayaa guul, in uu sameeyo dhaqaaq shaqsi ah oo uu ku hoggaamiyo kooxda oo dhan. Sidaas ayaanu uga shaqaynaa halkan, waxaananu doonaynaa guul.”
Intaas kaddib ayuu Victor sharraxay waxyaabaha uu Endrick kala midka yahay halyeygii Brazil ee Ronaldo, waxaanu yidhi: “Awoodda uu u leeyahay dhamaystirka, boos qaadashadiisa aadka u fiican, jidhkiisa mar walba u habaysan inuu si dhamaystiran u ciyaaro.
“Waxa uu leeyahay awood dhamaystir oo heersare ah iyo goolka oo la moodo inay xidhiidh leeyihiin. Waxa kale oo uu leeyahay xawaare orod oo dheereeya, xoog iyo adkaysi. Waxaabay isku mid yihiin Ronaldo Nazario.”