Sacuudiga oo Balaayiin Doollar Ku Maalgashanaya Dalka Shiinaha

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shirkadda Aramco ee ka shaqeysa wax soo saarka shidaalka ee ay leedahay dowladda Sacuudiga ayaa maalgashi ku kacaya balaayiin doollar ku samaynaysa dalka Shiinaha, taas oo ay ka mid tahay, inay dalkaas ka dhisaan warshado shidaalka sifeeya, sida ay shaacisay shirkaddani.

Maalgashigan ay ku samaynayaan dalka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyada oo shirkaddaasi ay macaashtay sannadkii 2022 lacag gaadhaysa illaa $160 bilyan.
Sucuudiga oo wakhti dheer saaxiib dhow la ahaa dalka Maraykanka ayaa haatan u muuqda mid u sii janjeedhsanaya dhinaca Shiinaha.

Shirkadda Aramco ayaa sidoo kale saami ka iibsatay qaar ka mida shirkadaha waaweyn ee dalka Shiinaha, sida shirkadda Rongsheng Petrochemical Co. Ltd oo ay ka iibsatay saami gaadhay 10% oo u dhigma $3.6 bilyan.

Sida ku cad heshiisyada ay wada galeen shirkaddan iyo shirkadaha shidaalka ee Shiinuhu, waxaa shirkadda Aramco ay u dhoofin doontaa 480,000 oo foosto maalintii shirkadaha shiinaha ee qaabilsan hawlaha sifaynta shidaalka.