Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxaa ka socda dhismaha jaamacadii ugu horeysay oo loogu talo galay in lagu barto qur’aanka kariimka iyo Axdiista Nabigeenna Maxamed NNKH taasoo hadda dhismaheeda uu marayo heer gabo gabo ah.
Sidoo kale gudaha jaamacaddaha ayaa laga hirgelinaya masaajid weyn oo loogu talo galay inay ku tukadan ardeyda dhigata jaamacadda qur’aanka kariimka.
Jaamacaddan ayaa lagu wadaa marka la soo gaba gabeeyo inay si lacag la’aan ah wax uga bartan ardeyda magaalada Hargeysa.
Warbixintan waxaa noo heysa Xaawo Luul Aadan Xuseen.