Hordhac: Man City Vs Liverpool:

0
267

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha Man City iyo liverpool ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo fiican oo heer caalami ah kuwaas oo si dhaw isha loogu hayn doono maanta.

Ka hor kulanak waxa la soo saaray shaxda isku dhafka ah ee ka kooban labada xiddig ee kooxaha iyada oo la soo qaatay xiddigaha qaab ciyaareedka fiican ku jira.

Kooxda Liverpool inkasta oo ay dhibaatoonayso xilli ciyaareedkan waxa shaxda ku leedahay xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig.

Man City ayaa dhinaceeda shaxda ku leh 5 xiddig inkasta oo ay u tartamayso horyaalka premier League.