WFP oo dalbatay Balaayiin doollar si looga hortago gaajo iyo xasillooni-darro

0
131

Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ka digay in haddii aan la helin balaayiin doollar oo lagu quudiyo malaayiin qof oo baahan ay dunidu 12-ka ilaa 18-ka bilood ee soo socda arki doonto tahriib xad-dhaaf ah, xasillooni-darro ka dhacda dalalka, iyo caruur iyo waayeel gaajoonaya.

David Beasley ayaa Mareykanka iyo Jarmalka ku ammaanay in ay kordhiyeen lacagaha ay bixiyeen sanadkii hore, waxaana uu ku boorriyay Shiinaha, dalalka Khaliijka, bilyanneerada, iyo dalalka kaleba in ay iyana kor u qaadaan kaalmada ay bixiyaan.

Wareysi uu bixiyay ka hor inta uusan xilka hay’addan ugu weyn ee gargaarka toddobaadka soo socda ku wareejin safiirka Mareykanka Cindy McCain, ayuu guddoomiyihii hore ee gobolka South Carolina ku sheegay in uu “si aad ah uga walwalsan yahay” in WFP aysan heli doonin lacag gaareysa 23 bilyan oo doollar oo ay sanadkan u baahan tahay si loo caawiyo 350 milyan oo qof oo si quus ah ugu baahan raashin kuwaasi oo ku kala nool ilaa 49 dal oo caalamka ah.

Waxa uu sheegay in haddii ay u badato ay soo xaroon doonto 40 boqolkiiba lacagtaasi marka loo eego sida ay hadda wax ku socdaan.