Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Dhuusa mareeb oo codsaday in la furo wadooyinka

0
197

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xog-hayaha Ururka Naafada magaalada Dhuusa Mareeb Axmad Ciise Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka naafada ah ay dhib ku qabaan marista waddooyinka biyuhu fadhiyaan maadama magaaladaasi ay ka daa-een roobaab lixaadle oo saameeyay isu socdka dadweynaha iyo ganacsiga.

Dadka ugu daran saameynta kala kulma biyaha roobka ee fadhiya qaar kamid ah wadooyinka magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba kuwaasi oo aanan isticmaali Karin wadooyinkan

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim