Duuliye si deg deg ah ku dejiyay diyaaradii uu waday kadib markii uu arkay mas ku dhax jira.

0
213

Baladweyne (Radio Beerlula)-Duuliye u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu amaanay inuu ku guuleystay inuu si deg deg ah u soo dajiyo diyaarad, ka dib markii uu arkay maska loo yaqaano kobraha oo ku hoos jira kursigiisa , sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Rudolph Erasmus ayaa waday rakaab ka duulay magaalada Cape Town subaxnimadii isniinta, isagoo ku sii jeeday magaalada Nelspruit ee woqooyiga dalkaasi, hase yeeshee waxa uu ku qasbanaaday inuu soo gaabiyo safarka ka dib markii uu dareemay wax qabow oo jirkiisa taabtay, sida uu u sheegay shabakada wararka ee Times Live.

“Markii aan bidixdayda u soo jeestay oo aan hoos eegay, waxaan arkay maska Kobraha oo madaxa dib ugu celinaya kursigayga hoostiisa,” ayaa yiri.

Qaniinyada kobraha waxay ninka ku dili kartaa 30 daqiiqo gudahood.

Guddoomiyaha duulista rayidka ee Koonfur Afrika ayaa Mr Erasmus ku tilmaamay geesi,