Maxkamad ku taalla Nigeria oo xukun ku riday diiq

0
128

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxkamad ku taal dalka Nigeria ayaa xukun ku riday diiq qeylo badan kaasoo dhibaato ku haya dadka ku nool Magaalo ku taalla waqooyiga Nigeria.

Ninka iska leh diiqa ayaa lagu amray in ilaa Jimcaha inuu gowraco diiqa ka dib markii ay ka cawdeen dadka dariska laha diiqa.

Maxkamad ku taal waqooyiga magaalada Kano ayaa ku dhawaaqday Diiqu inuu dhib ku hayo xaafadda maadaama uu si aan kala joogsi lahayn u ciyey oo ay laba qof oo deris ahi sheegeen inuu hurdadii ka joojiyay, sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Premium Times.

Mid ka mid ah dadka deriska la ah oo lagu magacaabo Yuusuf Muxamed, ayaa maxkamadda u sheegay in cida saa’id ka ah ay xadgudub ku tahay xaqa uu u leeyahay hurdo nasasho leh.